
Laakiin garashada ama fahanka,mas aladan, waxa loo baahanyahay,in lafahmo,waayo mustaqbalka budhcada deggeni wuxuu ku xidhan yahay,khayraadka ay haystaan dadku,oo waxa keliya ee uu ka fekeraa waa dantiisa joogtada ah,dantiisuna waxay ku jirtaa ,in dadku ku soo hirtaan,oo soo nabad galaan,ee kuma jirto inay dadku ka didaan.kaxaana layidhaahdaa BUDHCADA DEGGEN ,waxaa dhaqaajinaysa gacanta qarsoon.
2-LAAKIIN SI TAAS KA DUWAN ,ayay tahay BUDHCADDA GUURGUURTAA.
Waxaa u qorshaysan inuu dharaar walba ka dul dhaco dhibane hor leh,oo uu mood iyo noolba ka dhaco.waxa keliya ee uu ka fekeraana waa sida cidda uu maalintaa dhacayo uu hantida ugu badan ugaga bililiqaysan lahaa.
Waxaa u qorshaysan inuu dharaar walba ka dul dhaco dhibane hor leh,oo uu mood iyo noolba ka dhaco.waxa keliya ee uu ka fekeraana waa sida cidda uu maalintaa dhacayo uu hantida ugu badan ugaga bililiqaysan lahaa.
Ttusaale ahaan ,xaaladda sanadihii u danbeeyay ka taagnaa koonfurta soomaaliya ,ilaa iminka ,kolba magacay doonto ama shaadhkay doonto ha loo geliyee,oo waxaa ku hirdamaayay sanadihii ina soo dhaafay,budhcad kolba meel u guur guuraysa,oo wareegta oo inta ay wax dhacaan iska dhaqaaqa oo wixii gacanta ay marin karaanba mariya,meela mafadhiistaan,waxaana jira qabqablayaal ,layaqaano oo ku caanbaxay.
3-QAWLAYSATO: Waxaa jirta mid kale, oo taa kaduwan ,oo markii ay dhibtay budhcada guur guurtaa ,ay samaysteen gobolada qaarkood ,oo iyana aan waxba u qaban,dadka shicibka ah ,laakiin waxay ka celiyaan oo qudhi waxay tahay ,in debeda lagaga soo duulo,qawlaysatadan oo hamigeeda ugu wayni yahay sidii ay lacag u urursan lahayd,hantina debedaha u dhigan lahayd,feker kooduna wuxuu ku kooban yahay oo qudha intaa ay joogaan.
QAYBTA DANBE LA SOCO.
4-Maamulka jilicsan iyo lajiifiyaana banaan (Somaliland) iyo
nadaamka jujuubka ah iyo kaligii talinimada.
Wabillaahi Tawfiiq
Cali Maxamed Biixi
Cali Maxamed Biixi