“DOOXII WUU QAADAY, WAAR WUU QAADAY, WUU QAADAY SOO YAACA”.
Weedhahani waxa ay ka mid yihiin qaar ka mid ah kelmedaha iyo catawga ay shacabka Jamhuuriyadda Somaliland sannad kasta xiliga roobabka ku dhawaaqaan. Sida anu ka war hayno xukuumaddihii kala dambeeyay ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay xataa tahli waayeen in ay xiliga roobabka dooxyada waaweyn dhigaan ciidan ku filan oo ka joojiya shacabka wadooyinka maraaya.