Ururka Midnnimo ayaa si adag u deedafeeyay shirkii iyo go’aankii ay ku heshiiyeen qaar ka mid ah madax dhaqameed iyo siyaasiyiin beelaha bariga Burco iyo waqooyiga Hargeysa. Shirkaas oo loogu ololaynaayay Xisbiga Kulmiye iyo musharixiisa Muuse Biixi.
Ururka Midnimo waxa uu ka soo saaray warsaxaafadeed uu ku naqdiyaayo shirkaas iyo go’aamadii ka soo baxayba, waxa ay tilmaameen in shirkaasi uu yahay mid lagu wiiqaayo Qarannimada Jumhuuriyadda Somaliland oo ay tahayna in la jabiyey dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
Warsaxaafadeed kaas Ururka Midnnimo oo uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay Somalilandvoice ayaa u dhignaa sidatan:
“Guddida fulinta, golaha musdambeedka iyo dhamaan xubnaha ururka Midnimo waxay si mug iyo miisaan leh u cambaaraynayaan go’aamadii ka soo baxay shir beeleedkii ka dhacay magaalada Burco 08/10/2017, waxaanan u aragnaa shirkaas xad gudub meel ka dhac lagu sameeyey dastuurka Jamhuuriyada somaliland qodobadiisa 8aad iyo 9aad oo u dhigan sidan.
Qodobka 8aad ee dastuurka: Sinaanta
Muwaadiniinta somaliland: kala saraynta, takoorka iyo xulafaysiga ku salaysan qabiilka, isirka, abtirsiga, dhalashada iyo deegaanku waa reeban yihiin.
Qodobka 9aad:
1) Nidaamka siyaasadeed ee jamhuuriyada somaliland waxa
2). Muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha xeerku tilmaamayo wuxuu xaq u Ieeyahay in la doorto, waxna uu doorto.
Hadaba haddii aanu nahay Ururka Midnimo waxaanu ku boorinaynaa Maxkamadda Distooriga ah , Madaxweynaha Jumhuuriyadda Somaliland, iyo Hay’adaha Sharci dejinta ee ay khusayso inay si deg-deg ah u qaadaan tallaabooyinka soo socda:
A). In la xaraantimeeyo faafinta iyo ku-dhaqanka qodobadii kasoo baxay shirka lagu minjaxaabinyaao qaranimadda Somaliland.
B). In Xilalka laga xayuubiyo Wasiiradii & Xubnahii Dawladda ee ka qayb galay shirkaas isla markaana la horgeeyo Maxkamad Sharci ah.
Ugu danabyn, waxaanu Bulsho Waynta Somaliland u cadaynaynaa in Ururka Midnimo u taaganyahay:
1) Ilaalinta distoorka, Qaranimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.
2) Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha , diyaarinta daraasado ku salaysan sidii loo samayn lahaa maalgashi wada jir ah sida wax soo-saarka beeraha ; warshadaha yar-yar iwm.
3) Ka qayb qaadashada dhamaystirka mashruucyada qabyada ah siiba jidka Erigavo-Burco- Hargeisa.
4). Dhiirigelinta is-hexgalka , iskaashiga iyo isbarashada bulshada rayidka ah ,siiba dhalinyarada, Aqoonyahanka , Culimaa’diinka, Madax-dhaqameedka iyo Haweenka.
5) Samaynta Guddi Cadaadis “ Pressure Group” oo Xukuumadaha Somaliland culays ku saara inay si cadaalad ah ugu qaybiyaan Gobollada Bari & Galbeedka Somaliland, mashruucyadda horumarinta ,kaabayaasha dhaqaalaha, mucaawinooyinka dibedda iyo adeegyadda bulshada.
WA BILAAHI TOWFIIQ.
GUDDDIDA FULINTA & GOLAHA MUSDANBEEDKA
AF-HAYEENKA URURKA MIDNIMO.
AXMED JAMAC “QODAX”, ALBERTA . CANADA.